Khaarijintii Khaldantay. Qaybtii #3aad .
Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sidoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, si aan rasmi ahayn, waanan soo koob koobay.
Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu:

Waxa aan daneynayay qorshaha lagu saleeyey hawl galka Jordan. Waayo meelo badan ayaan waxka eegay. Waxa aan miisaamay muhiimada ay leedahay nabada naga dhaxaysa anaga iyo Jordan iyo weerarada argagixiso ee ururka Hamaz.Weeraradani durtaba waxa ay dhaawaceen qorshihii nabada ee naga dhexeeyey Jordan xiigii maamulkii Perez. Weeraradan ugu dambeeyeyna waxa ay dhaawici karaan heshiiskii nabada ee Jordan. Sida wararka sirdoonku sheegayaan dhamaan weerarada waxa laga soo abaabulay xarumaha Hamaz ee Amman [caasimada Jordan].
Codsiyadii is daba jooga ahaa ee aannu boqorka Jordan kaga codsanay in uu waxka qabto weerarada Hamaz ee laga soo qorsheenayo Jordan, waxa ay noqdeen kuwo aan midho dhalin.Wakhtigii maamulkii hore, kadib weeraradii ka dhacay Hadera iyo Afula, Raysal wasaare Rabin wuxu si adag uga dalbaday boqorka Jordan in uu arinta weerarada Hamaz waxka qabto, hase ahaatee waxba ma dhicin.
Madaxda Jordan waxa ay sheegeen in ay door bideen in ay xidhaan xarumaha Hamaz, isla markaana ay il gaara ku hayaan iskudayadooda. Waxa kale oo ay ku andacoodeen in Hamaz keliya ay Jordan gudaheeda magac ku leedahay, balse aanay jirin wax dhaqdhaqaaq hawl gal ah oo ay ka fuliyaan.
Si kastaba, waxa aannu u cadeenay [madaxda Jordan] in Hamaz-ta Jordan joogtaa ay taageero dhaqaale, mid qorshe hawl-galeed, mid milatari iyo mid hagis ah ba u fidiso hawlgalada argagixiso ee gudaha maamulka Falasdiyiinta.
Waxa muhiima in la xuso in markii uu xukunka qabsaday boqor Abdullah, kadib dhimashadii aabihii, uu yaqiinsaday saameynta aan wanaagsaneyn ee ay leedahay xarumaha caalamiga ah ee Hamaz ee ku yaala caasimadiisa [Amman]. Abdullah wuxu dhaqan geliyey hab ka duwan kii aabihii. Wuxu markiiba ku dhaqaaqay baabiinta xarumaha Hamaz, taas oo marka dambe [hawlgalka Mossad kadib] sababi doonta in Khaled Mashal, Mousa Abu Marzook, Ibrahim Gosh, Mohamed Nazal iyo xubno kale oo muhiim ahi noqdaan marti sifiican loogu soo dhoweeyo Dimishiq, oo uu qaabilay Madaxweyne Assad.
Shakhsi ahaan aniga waxa isoo waajahday arin ah laba daran mid uun dooro. Waa mida hore e, waxa aan ahaa boqorka saaxibkii, ilaa iyo markii aan ahaa xoghayaha milatariga ee Reysal wasaare Rabin, arintaas oo ahayd mid muhiimadeeda leh. Mida labaad, waxa aan ahaa madaxa Mossad, waxa aanan masuul ka ahay, aniga iyo dadkaleba, ilaalinta nabadgelyada qaranka. shaqooyinka ugu waaweyn ee Mossad-na waa ka hortaga falalka argagaxiso.
Khaled Mashal wuxu bedelay Mousa Abu marzouk, kadib markiii lagu xidhay Maraykanka. Booskiisa saxda ahi wuxu ahaa madaxa siyaasada ee xafiiska Hamaz ee Jordan. Hase ahaatee urur argagaxiso oo Hamaz oo kale ahi makala laha wax farqiya dhanka hogaaminta siyaasada iyo milatariga.
Reysal wasaaruhu wuxu isiiyey amarka ah in la khaarajiyo Mashal. Mossad waxay bilowday in ay eegto badhtilmaameedka oo ay qiimeyso suurta galnimada hawlgalka. Waxa la doortay aaladii/agabkii ku haboonaa weerarka, si aan loo abuurin xiisad ka dhexdhacda annaga iyo Jordan.
Kadib markii qorshihii hawlgalka lagu geli lahaa lasoo gebagabeeyey, waxa aan aniga iyo H.,[H waxay u taagantahay magac uu qoraagu qariyey] madaxa gudida fulinta hawlgalada, iyo Mishka Ben David, madaxa qaybta sirdoonka ee gudida hawlgalada, shir isugu nimi xafiiiska Reysal wasaare Netanyahu. Waxa kale oo shirka nagu wehelinaayay xoghayaha milatariga iyo hadal-qore.
Qorshihii hawlgalka ayaan u gudbiyey Netanyahu aniga oo xusay in dareen-ka hawlgal ka dhaca Jordan gudaheeda awgeed, uu halwagalku noqon doono mid ku fula amaro adag marka ay noqoto dhamaystirkiisa. taas oo micnaheedu ay tahay in keliya hawlgalku socon doono haddii xaalada uu ku fulayaa ay tahay mid nadiifa oo qarsoon; haddii aanay sidaas xaaladu ahayna in gebi ahaanba hawlgalka la joojiyo, xitaa haddii ilbidhiqsiyo ka hadhsanyihiin dhamaystirka hawlgalka.
Intii aannu ku guda jirnay dooda, waxa aan warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaargarowga hawlgalku aan siiyey gudida hormuudka laamaha sirdoonka ('Varash'), oo ay ka mid ahaayeen madaxda hay'ada Shin Bet, Ami Ayalon iyo madaxa sirdoonka milatariga, Moshe 'Bogie' Ya'alon. Hal kelmad oo ku saabsan diyaargarowga hawlgalka iyo goobaha la badh tilmaameedsanayo toona may odhanin xubnihii goob jooga ahaa. Xaqiiqdii midkoodna muu muujin wax diidmo ah, taas oo dabcan aan ka hor istaagteen iyaga in maalmaha soo socda ay ku andacoodaan in aanay ka warqabin jiritaanka hawlgalka.
Kadib markii aan qorshihii hawlgalka u gudbinay Reysal wasaaraha, wuxu xoghayayaashiisii weydiistay in loo yeedho wasiirka difaaca, Yitzhak Mordechai. Wuu soo galay qolkii wasiirku. Kadib Netanyahu wuxu u sheegay wasiirka inuu kasoo qayb galo shirka. Wuxu wasiirku ku jawaabay in uu hada degdegsanyahay oo aanu sii joogi karin.
Netanyahu wuxu u sheegay Mordechai [waa wasiirkii difaaca e] in uu aniga ila kulmo oo wixii laga shirayna iga barto; waxa aannu isku afaraganay [wasiirka] in aan kulano berito gelinka dambe.
Dhamaadka shirkii netanyahu aanu la yeelanay, waxay u muuqatay in Netanyahu uu rabo in mid mid sida ay u kala sareeyaan loo khaarajiyo madaxda ururka Hamaz ee ku sugan Jordan. Amarka Netanyahu wuxu ahaa kadib marka la badhtilmaameedsado Mashal, in aannu qiimeyno falcelinta ka timaada Jordan, Hamaz iyo guud ahaan dhinacyada kaleba, kadibna aannu go'aansano haddii aannu sii wadayno badhtilmaameedsiga xubnaha kale ee maamulka Hamaz.
Maalintii xigtay, Jimcihii, August 11 keedii, gelinkii dambe, waxa aan imi xafiiska Wasiirka Difaaca aniga oo uu i weheliyo Mishka Ben David. Intii aannu sugeynay balanta, waxa furmay albaabka waxaana xafiiskii Mordechai kasoo baxay madaxa sirdoonka milatariga, Bogie Ya'alon. Waxa aan gaar ula baxay Bogie waxa aanan ku wargeliyey halka uu marayo diyaargarowga hawlgalku.
Intaa kadib, waxa aan markiiba aniga iyo Mishka galnay xafiiskii Yitzhak Mordechai. Waxa aan xaiiska ugu tegay xoghayihiisa milateriga [oo la fadhiyey wasiirka difaaca]. Waxa aan dareensiiyey xoghayaha milataeriga xaqiiqada ah in uu ogaanayo arin aanan anigu ogaan jirin xiligii aan ahaa xoghayaha milatarige, sidaas awgeedna ay waajib ku tahay in uu ilaaliyo sirta cuus. Xoghayaha milaterigu goob joog ayuu ahaa shirka gebi ahantiiba, wuxuuna ku mashquulsanaa in uu qoraal ahaan ku duubo [shirka].
Saacad iyo wax la jira ayaanu la fadhinay Mordechai, waanaanu u gudbinay dhamaan sirihii ku saabsanaa madaxda ururka Hamaz ee Jordan [ku sugan]. Kulankan, sidii kulankii Ayalon iyo Ya'alon, ma jirin wax diidmo ah oo ku aadan doorashada badhtilmaameedka iyo goobta hawlgalka; wax isku day ah oo lagu joojinayo diyaargarowga ama hawlgalka toonina ma jirin. Mordechai wuxu hadhow ku andacoon doonaa in aan laga wargelin hawlgalka isla markaana aanay jirin wax cadaymo waraaqo ah oo shirkaas ahi [shirka ay labada masuul wada qaateen].
Amaradayda ku aadan hawlfuliyayaasha [dadka khaarajinta fulinaya] waxay ahaayeen kuwo cad oo aan wax shakiyi ku jirin. Shardiga culus ee go'aamineyay fulinta hawlgaku wuxu ahaa hubitaan buuxa oo la cadeeyo ninka [Khaled Mashal] iyo waxyaabaha ku hareereesan ee suurta gelin kara in khaarijintu dhacdo iyada oo aad loo dhimayo suurta gal nimada ah in la qabto hawl fuliyayaasha.
Hawl fuliyayaashu waxay haysteen qorhse qoran oo cad oo qeexaya waxa ay samaynayaan iyo waxa aan loo ogoleyn in ay sameeyaan, marka loo eego xaalada. Waxa looga baahnaa in ay hubiyaan goob ka madhan joogista dadka kale ee Mashal ku hareereesan, laga bilaabo asxaabtiisa, macaariifta, xubnaha qoyskiisa, ilaalidiisa khaaska ah, booliska Jordan iyo dusha kala socdayaasha.
Waan u cadeeyey iyaga [dadka fulinaayay khaarijinta] in arintani aanay ahayn arin ah in la dhameeyo uun, haddiibana aanay xaaladuhu ku habooneyn fulinta qorshaha, in ay mar walba suurtagal tahay in dib loo soo noqdo oo mar kale la dhameeyo hawlgalka. Si is daba jooga ayaa arintan loo xusay, waan se ka xumahay in aan idhahado sidii la rabay wax uma dhicin - ugu yaraana wax kasta oo khaldami karaayay waa khaldameen.
La soco qaybta dambe iyo halka wax ka khaldameen. Mahadsanid.

W/Q: Danny Yatom.

W/T: Mohamed Adan (Sammo Omar)

Comments

  1. Graphics: The foremost specification that you must look for in a laptop for drawing is the graphics configuration. To ensure that the impact of the drawing is well understood and witnessed, your laptop must fulfill the above-average standards of color vividness and display sharpness. As an artist, you understand that compromise on the display front will lead to a rather unsatisfactory digital art. A laptop with high resolution is important for you to meet your drawing goals.best laptop for drawing

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog