Muxuu salka ku hayaa dagaalka hoose ee u dhexeeya Ruush-ka iyo Ingiriis-ka?




Dhowaan waxa gudaha dalka Ingiriiska lagu suneeyey Sergie Skripal iyo inantiisa Yulia. Sergie wuxu ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray hay'adda KGB ee sirdoonka waddanka Ruushka. Sannadihii ugu dambeeyey Sergie wuxu ahaa basaas si hoose ula shaqeeya hay'adda MI6 ee sirdoonka arrimaha debeda u qaabilsan waddanka Ingiriiska. Sunneynta la suneeyey Sergie iyo inantiisa Yulia waxa ay qayb ka yihiin dagaal hoose oo xukuumadda Moscow ku badhtilmaameedsanayso maalqabeenno iyo saraakiil KGB ka tirsanaan jiray oo in muddo ah usoo haajiraayay dalka Ingiriiska. 

Tallaabooyinkaas ugaadhsiga ah ee soo noqnoqonaya ee lagu badhtilmaameedsanayo muwaadiniinka haysta dhalashada waddanka Ingiriiska iyo kuwa deggenba awgood ayaa taariikhdu markay ahayd 14/03/18 Raysal Wasaaraha dalka Inigiriisku ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka eryayso 23 diblumaasi oo ka mid ah 58 dilbumaasi ee dalka Ruushka u jooga UK. Tallaabadan ayaa ah tii ugu horeysay nooceeda muddo 30 sanno ah ee ay dawlada Ingiriisku dalkeeda kaga erido tiro intaas leeg oo diblumaasiyiin reer Ruush ah. Tallabaadan ayaa sida ay Theresa May sheegtay jawaab u ah xadgudubka joogtada ah ee Putin ku hayo dalkeeda.  Theresa May waxa ay sheegtay in xukuumadda Moscow ay dagaal cad kusoo qaaday dalka Britian isla markaana aan intaa in ka badan loo sii dulqaadan karin tallaabooyinka Putin ku badhtilmaameedsanayo muwaaddiniinta reer Ingiriis iyo kuwa dalka deggenba. Haddaba, maxaa sababay in Moscow ay ugaadhsato muwaadiniinta kaso jeeda Ruushka ee deggen dalka UK? Maxay se tahay sababta loogu dhex dilayo gudaha dalka Ingiriiska? Su'aalahan ka jawaabistoodu ma fududa, waxa aanse isku dayi bal in aan intii aqoontayda ah tooshka ku ifiyo halka sartu ka qudhuntay.


Ingiriiska iyo Ruushka xidhiidhkoodu muu wanaagsaneyn laga soo bilaabo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa. Waa laba dal oo kala aamminsan laba fikir oo aad u kala fog: Mid aamminsan dimuqraaddiyada iyo sarreynta sharciga iyo mid aamminsan nidaamka keli-talisnimada iyo cabudhinta. Mid aamminsan xorriyada muwaaddiniinta, diimaha iyo ganacsiga iyo mid aamminsan gacan ku haynta xorriyada muwaadinka. Mid saaxiiib dhow la ah Maraykanka iyo inta badan ee waddamada Yurub iyo mid u arka Maraykanka iyo Yurub in ay yihiin cadowga koowaad ee dalkooda. Waa laba dal deegaan ahaan, dhaqan ahaan iyo taariikh ahaanba aad u kala fog.


Kaddib dagaalkii qaboobaa ee dunida iyo burburkii midowgii Soofiyeeti, dad badani waxa ay saaxadda ka saareen in mar labaad la arko Ruush awood leh oo isku soo taagi kara danaha reer Yurub iyo Maraykanka. Dad badani waxa ay aammineen in Ruush laga guuleystay oo ay adkaan doonto sida uu uga soo kabsado xaaladda cusub ee uu afka saaray. Fikirka dadkaas waxa wax badan caddeyn u ahaa kala furfurashaddii Ruushka ee uu waddmada yaryar ee badan u kala burburay, taas oo inteeda badan ay qayb lixaadleh ka qaadatay Midowga Yurub oo uu dabcan Ingiriisku hormuud ka ahaa.


Laga soo bilaabo dhammaadkii sannadkii 1980-kii ilaa dhammaadkii sannadkii 1990-kii Ruushku wuxu ku jiray xaallad cakiran. Waxa dagaalo ba'ani kaga furnaayeen waddankiisa gudihiisa: gobolka Muslimiintu ku badanyihiin ee Jeejniya waxa kaga socday dagaal ba'an oo ay kooxo gobolkaas kasoo jeedaa ku doonayeen in ay ka goostaan waddanka Ruushka intiisa kale, waddamadii yaryaraa ee uu xukumi jiray, sida Balkans-ka, waxa ka socday dagaallo halis ah oo kumannaan kun oo qof lagu xasuuqay - haba u badnaadaan Muslimiin e. Shiidaalka oo ah hantida ugu badan ee dalku leeyahay waxa inta badan gacanta ku hayay gacansato tiro yar iyo kooxo budhcad ah oo si sharci darro ah uga ganacsan jiray. Dhanka arrimaha debedda, waxa faro gelin ba'an ku hayay Maraykanka iyo Reer Yurub. Iyada oo xaaladda waddanka Ruushku halkaa marayso ayaa sannadkii 1999-kii talada dalka loo dhaariyey wiil da'yar oo aan waayo aragnimo siyaasdeed oo badan lahayn. Waxa xukunka la wareegay Vladamir Putin oo marka ahaa madaxa hay'adda Sirdoonka waddanka ee loo yaqaanay FSB ee markii dambe loo bixiyey magaca KGB (Komitet Gosudarstvennoy Bezopasnosti).


Putin waxa uu xukunka kala wareegay madaxwyne Boris Yeltzin oo waddanka in muddo ah xukumaayay oo dadka intiisa badani u arkaayeen nin aan war badan ka haynin dhaca baahsan ee lagu hayo khayraadka dalka. Madaxweyne Boris ayaa Putin u magacaabay hay'ada sirdoonka si uu ula tacaalo dagaalada waddanka ka socda ee kooxaha gooni goosadka iyo maafiyaddu wadeen wakhtigaas. In Putin markii dambe madaxweyne noqdo waxa u sahlay kalsoonidii badneyd ee u ka helay madaxweyne Boris iyo rag badan oo gacansadayaal ahaa o uu ku jiray maal qabeenkii weynaa ee Boris Berozovosky. 


Putin markii uu xukunka dalka la wareegay waxa uu markiiba isku wareejiyey kooxdii ay kasoo wada shaqeyn jireyn xafiiska mayor-ka magalada St. Petersburg. Dhammaan illihii dhaqaalaha ee waddanka iyo xafiisyadii dawlada ee muhiimka ahaa waxa uu u dhiibay saaxiibbadiisii St. Peterburg. Tallaabadan ayaa inta badan lagu tilmaamaa in ay tahay midda Putin ka caawisay in uu muddo badan waddanka xukumo isla markaana awooddiisa siyaasadeed iyo dhaqaaleba kor u qaado. Putin wuxu dabagal ku sameeyey raggii shiidaalka waddanka maamulayay oo uu ka dhigay kuwo uu la saaxiibo sida Abramovich-ka Chelsea iska leh iyo kuwo badan oo uu dagaal u caddeystay sida Boris Berozovosky oo ay mar saaxiibo ahaan jireen. 


Dagaalka dhaqaale ee uu Putin ku qaaday raggii hantida waddanka gacanta ku hayay waxay sababtay in maalqabeeno badan oo hanti badan lahaa waddanka ka yaacaan. Maalqabeennadaas badankoodu waxa ay usoo baxsadeen waddanka Ingiriiska. Maal qabeeno keliya maaha ee rag badan oo saaraakiil ahaa oo ka tirsanaan jiray hay'ada KGB ayaa ka baxsaday waddanka Ruushka kaddib markii ay isku dheceen Putin. Ragaas badankooduna waxa ay usoo carareen waddanka Ingiriiska. 


Waddanka Ingiriisku waxa uu inta badan caan ku yahay magangelyo siinta muhaajiriinta siyaasadeed ee kasoo baxsada waddamadooda. Raga taariikhda magaca weyn ku leh ee Ingiriisku magangelyada siyaasadeed siiyey waxa ka mid ahaa Kar Marx, Voltaire, Akhmed Zakayev, iyo rag kale oo badan oo dunida magac ku leh.  Magangelyo siintii uu Ingiriisku u fidiyey maalqabeennada iyo basaasiinta reer Ruush waxa uu ka faa'iday waxyaabo badan. Tusaale ahaan dhanka dhaqaalaha, maalqabeennadii reer Ruush ee Putin kasoo yaacay waxa ay hantidoodii ku maalgeliyeen Ingiriiska. Maanta magaalada London hantida ugu badan ee dhanka guryaha waxa leh maalqabeenno Ruush ah. 


Dhanka basaasnnimada, Ingiriisku waxa uu uga faa'ideestay basaasiintii kasoo baxsaday hay'ada KGB in ay si hoose ula shaqeeyaan hay'ada MI6 ee sirdoonka u qaabilsan waddankan Ingiriiska. Tusaale ahaan, basaaskan ugu dambeeyey ee dhowaan la suneeyey, Sergie Skripel, wuxu hay'ada MI6 ka caawin jiray in uu la socodsiiyo saraakiisha KGB ee ka hawlgala Yurub iyo Ingiriiska. Arrintaasuna waxa ay MI6 ka caawin jirtay in ay si fudud u aqoonsadaan basaasiinta ka hawlgelaya waddankooda iyo waddamada kale ee reer Yurub iyo siraha ay gudbinayaan. Dabcan baxsadka maalqabeennada lacagta badan kala soo cararaya Ruushka iyo saraakiisha basaasiinta ah ee sirta lasoo baxsanayaa waxa ay dhaawac weyn u geysan karaan - ama u geysteenba - awoodda Ruushka ee dunida. Sidaas awgeed, Putin waxa uu awood badan geliyey sidii uu u xakameyn lahaa arrintan isaga oo adeegsanaya hay'addii uu mar madaxda ka ahaa ee KGB.


Sannadkii 2006-dii Putin waxa uu amar ku bixiyey in la khaarajiyo Alexander Litvinenko oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray hay'adda KGB, weliba lagu dhex khaarajiyo gudaha waddanka UK. Litvenenko iyo Putin waxa ay ka wada tirsanaan jireen FSB. Xidhiidhka Putin iyo Litvenenko ee wakhtigaasi muu ahayn mid wanaagsan. Litvinenko waxa uu takhasuskiisu ahaa dembiyada abaabulan iyo Maafiyadda. Badhtimihii sannadkii 1990-kii, Litvinenko waxa uu baadhitaan ku hayay xidhiidhka maafiyada ruushka iyo masuuliyiin ka tirsan hay'adda FSB ama KGB. Arrintan muu jecleysan Putin maadaama oo uu wakhtigaas ahaa madaxa hay'adda. Sannadkii 1998-kii Litvenenko iyo 4 sarkaal oo dhammaantood ka tirsanaa hay'adda KGB ayaa shir jaraa'id qabtay. Waxa ay shirka jaraa'id ku sheegeen in madaxda hay'adda sirdoonka ee FSB ay amar ku siiyeen in ay soo dilaan rag maalqabeenno ah iyo rag isla hay'addooda ka tirsan oo uu ku jiro mid ka mid ah afarta nin ee shirka jaraa'id qabtay. 


Arrintaasu waxa ay si ba'an uga cadhaysiisay Putin. Isla markiiba waxa uu shaqadii ka eryay Litvinenko wuxuuna ku eedeeyey in uu khiyaamay hay'addii uu ka tirsanaa ee sirdoonka. Halkaas ayuu ka bilaabay xidhiidhka cadawtinimo ee Putin iyo Litvinenko. Sida aan kor kusoo xusay, Putin in uu noqdo masuulka hay'adda sirdoonka waddanka Ruushka waxa ka caawiyey maalqabeenkii weynaa ee Boris Berozovosky. Litvinenko iyo Boris-na waxa ay ahaayeen saaxiibo aad isugu dhow. Sidaas awgeed maadaama Putin shaqadii ka eryay Litvinenko, Boris iyo Putin-na waxa u bilaabmay xidhiidh aan wanaagsaneyn. 


Sannadkii 1998-kii waxa xabsiga loo taxaabay Alexander Litvinenko iyada oo lagu eedeeyey ku-takrifal-awoodeed iyo isku day dil oo uu umaleegayay saaxiibkii Boris Berozovosky. 8 billood markii uu xabsiga ku jiray ayaa lasii daayay Litvinenko, waxaana lagu amray in aanu ka bixi karin waddanka Ruushka. Sannadkii 2000 ayuu Litvinenko iyo qoyskiisu si qarsoodi ah, iyaga soo maray waddanka Ukrain, booqasho ugu soo baxeen waddanka Turkey. Intii uu Turkey joogay Litvinenko waxa uu magangelyo siyaasadeed ka dalbaday safaaradda Maraykanka ee Turkiga, hase ahaatee codsigiisii lagama aqbalin. Intaas kuma uu joogsan ee Litvinenko waxa uu goostay tigidh diyaaradeed oo ah Istanbul ilaa Moscow, laakiin sii maraya London. Markii uu Heathrow airpot kasoo degay waxa uu dalbaday magangelyo siyaasadeed. Nasiib wanaag wuu ku guuleystay in laga aqbalo codsigiisii, laakiin halkaas lagagama daba hadhin ee waxa laga soo daba diray saraakiil KGB ah. 




La soco qaybaha dambe iyo dagaalka hoose ee Ruush-ka iyo Ingiriis-ka.   



W/Q: Mohamed Omar (Sammo)

























Comments

Popular posts from this blog