Muxuu salka ku hayaa dagaalka hoose ee u dhexeeya Ruush-ka iyo Ingiriis-ka?





Alexander Litvinenko, basaaskii Ruushka ahaa ee ka tirsanaan jiray hay'ada KGB, waxa uu magan-gelyo-siyaasadeed ka helay dawladda Ingiriiska. Waxa uu degay magaalada London isaga iyo wiilkiisa iyo xaaskiisuba. Intii uu joogay waddanka Ingiriiska waxa uu qaatay dalashada waddanka Britian. Intii uu deggenaa Ingiriiska, Litvinenko waxa uu ahaa weriye madax bannaan, la taliye hay'ada sirdoonka Ingiriiska iyo qoraa. Waxa uu qoray dhowr buug oo uu kaga hadlayo hawlgallada qarsoodiga ah ee ay ku kacaan kooxda KGB iyo maamulka Putin. buugta uu qoray waxa ka mid ah: Blowing Up Russia: The Secret Plot to Bring Back KGB Terror, Criminal Gang from Lubyanka iyo Allegations – Selected Works by Alexander Litvinenko. Buugtaas inta badan waxa uu si dadban iyo si toos ah ba ugu weerari jiray maamulka madaxweyne Putin.


Alexander Litvenko keli kumuu ahayn baxsadka uu usoo baxsaday waddanka Ingiriiska. Waxa isaguna hore ugu soo cararay dalka Ingiriiska maalqabeenkii ay saaxiibka dhow ahaayeen ee Boris Berezovsky oo isagana sannadkii 2003-dii la siiyey magan-gelyo-siyaasadeed, kaddib markii ay dhanka siyaasadda iskaga horyimaaddeen madaxweyne Putin. 


Sannadkii 2006-dii, Alexander Litvinenko waxa uu gacanta ku hayay baadhis uu ku sameynayay, Anna Politkovskaya, oo ahayd weriye Ruush ah oo lagu dilay magaalada Moscow 7-dii October, sannadkii 2006-dii, 23 maalmood ka hor intii aan isagana lagu sumeyn magaalada London. Anna Politkovskaya waxa ay ahayd weriye inta badan kasoo warranta xaaladda gobolka Chechniya isla markaana mucaraddnimo joogto ah ku haysay xukunka madaxweyne Putin. Ka hor intii aan la dilin Anna, waxa uu Alexnder Litvennko dhowr jeer kula taliyey in ay iskaga soo baxsato waddanka Ruushka maaddaama oo ay suurtagal tahay in la khaarajiyo. Anna Politkovaskaya way ka dhego adeegtay digniinaha uga imanayay saaxiibkeed Litvennko, ilaa aakhirkii lagu toogtay gurigii ay ka deggeneed Moscow. 


Haddaba, dilka weriye Anna kaddib, waxa uu Litvinenko geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii uu usoo bandhigi lahaa cidda ka dambeysay dilkeeda. Waxa uu dhowr jeer sheegay in Putin iyo maamulkiisu ka dambeeyaan, hase ahaatee si uu caddeymo ugu helo eedeymahaas, waxa uu bilaabay baadhitaan. Waxa uu la xidhiidhay laba sarkaal oo ay saaxiibbo dhow ahaayeen - isla markaana ay hore uga wada tirsanaan jireen hay'addii FSB ee markii dambe la baxday magaca KGB. Labada sarkaal waxa ay kala ahaayeen, Dmitry Koftun iyo Andrei Lugovoy. 


1-dii bishii Novermber, sannadkii 2006-dii, Litvenko waxa uu labada sarkaal kula kulmay Millenium Hotel oo ku yaalla badhtamaha London. Ujeeddada ugu wen ee uu ula kulmayna waxay ahayd in ay ka caawiyaan baadhitaanka uu ku gudo jiray ee la xidhiidhay dilka Anna Polikovskaya. Waxa ay ahaayeen saaxiibbo hore usoo wada shaqeeyey oo is aamminsanaa. Hase ahaatee arrintu sidaas uma dhicin. Dmitry iyo Andrei waxa ay siteen sunta halista ah ee loo yaqaan Polonium - taas oo sida la xaqiijiyey ay kala yimaddeen dalka Ruushka. Markii ay soo galeen Hotelka waxa ay toos u tegeen qaybta maqaaxidda ee hotelka. Waxa ay dalbadeen kildhi yar oo shaah ah iyo saddex koob. Laba koob oo shaaha inta ay ka shubteen ayay kildhigii ku dareen suntii Polinium-ka ee ay siteen. 


Markii Alexander Litvinenko soo gaadhay Hotelka, waxa uu toos u tegay halkii ay joogeen saaxibadiisii uu la ballansanaa. Waxa ay markiiba u shubeen hal koob oo shaah ah. Sida uu mar dambe Litvinenko xaqiijiyey, keliya mar ama laba ayuu kabbaday shaaha. Kullankii markii uu u dhammaaday waxa uu Litvinenko u ambabaxay dhankii gurigiisii. Labadii nin ee kalena markiiba waxa ay u kicitimeen dhanka gegeida diyaaraha ee Heathrow, iyaga oo halkaas ka qaatay diyaarad toos ah oo ilaa Moscow ah. 


Laba cisho kaddib kulankaas, Litvinenko waxa la dhigay dhakhtar ku yaalla xaafadda uu ka degenaa London. Markii dhakhtarka la geeyey waxa uu u sheegay dhakhaatiirtii goobta ka hawl geleysay in uu u baahanyahay in si dhakhso ah loogu keeno saraakiil ka tirsan hay'adda sirdoonka ee Ingiriiska. Waxa uu u sheegay dhakhaatiirta in uu yahay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray hay'adda KGB, isla markaana uu aaminsanyahay in laba nin oo uu dhowaan la kulmay ay sumeeyeen. Dhakhaatiirtii Cisbitaalku waxa ay markiiba la xidhiidheen madaxii ka-hor-taga argagaxisda waddanka Ingiriiska ee wakhtigaas, Peter Clarke. Intaas kaddib waxa arrintii la wareegay ciidammada Police-ka iyo kuwa sirdoonka ee waddanka Ingiriiska.


22 maalmood kaddib maalintii la sumeeyey Litvinenko oo ku beegan 23 kii bishii Novermber ee sannadkii 2006-dii, waxa uu Alexander Litvinenko ku geeriyooday Cisbitaalka Universal College Hospital. Ka hor intii aanu dhiman Litvinenko waxa uu akhriyey war murtiyeed uu ku caddeynayo cidda uu aaminsanaa in ay ka dambeyso dilkiisa. Waxa uu yidhi, ''waa suurtagal in aad ku guuleysatid in aad aammusiisid [dishid] hal nin, laakiin, Mr. Putin, dhawaaqa diidmada ah ee kasoo yeedhaya daafaha dunidu waxa uu noqon doonaa mid kusoo noqnoqda dhegahaaga inta ka dhiman noloshaada.'' 


Dhimashada Litvinenko waxa ay xiisad siyaasadeed oo culus ka dhex abuurtay labada dal ee Ingiriiska iyo Ruushka. Xiisaddu waxa ay sii xumaatay kaddib markii xukuumadda Moscow ay diiday in ay soo dhiibto labada nin ee lagu eedeeyey dilka Litvinenko si su'aalo looga weydiiyo ku lug-lahaanshahooda sumeynta Litvinenko. Moscow waxa ay ku adkeysatay in aanay jirin sabab ay labadan nin usoo dhiibto maadaama oo aan caddeyn adag loo haynin in ay ka dambeeyeen dilkaas.


8 sannadood kaddib dilka Litvinenko, waxa isagana meydkiisa laga helay guriga uu ka degenaa London maalqabeennkii Boris Berezovosky. Boris waxa la helay isaga oo deldelan. Inkasta oo aan la helin caddeymo adag oo muujinaya in la dilay, haddana waxa ay sheegeen dadka ka ag dhowi, gaar ahaan Nikolai Glushkov oo ay saaxiibbo dhow ahaayeen Boris, in la dilay oo weliba dilkiisa ay ka dambeyso xukuumadda Moscow. Nikolai Glushkov laftiisa waxa 3 toddobaad ka hor meydkiisa laga helay guri uu ka deggenaa London. 


Haddaba, dilalkan iyo sumeyntan soo noqnoqonaya ee lagu badhtilmaameedsanayo maalqabeennada iyo basaasiinta Ruushka ee ku nool waddanka Ingiriiska ee ay ugu dambeysay sumeyntii bishan horraanteedii lagu badhtilmaameedsaday Sergie Skripal iyo inantiisa Yulia, ayaa sida ay sheegaan dadka arrimaha siyaasadda Ruushka ka faalloodaa loo turjuman karaa laba arrimood: waa midda koowaad e in la cabudhiyo dadka wax uun ka og arrimaha ka socda Kremlin-ka iyo dilalka qorsheysan ee KGB ka fuliso daafaha dunida, iyo, waa ta labaad e, in digniin loo diro cidkasta oo kasoo baxsata Moscow oo iskudayda in ay magangelyo ka hesho waddamada reer galbeedka isla markaana gacansiisa hay'adaha sirdoonka ee reer galbeedka. 


Haddaba, iyaga oo waddamada reer Galbeedku ka hortegaya halista ka iman karta dilalka qorsheysan ee lagu badhtilmaameesanayo muwaaddiniinta Ruushka ee ku nool waddamada Yurub iyo Maraykanka iyo awoodda hay'adda KGB ee soo kordhaysa, ayaa go'aan isku mid ah ay ka qaateen waddanka Ruushka. Go'aankaas oo ahaa kii lagu eryay saraakiisha diblumaasiyiinta ee Ruushka u kala joogay waddamada Ingiriiska, Yurub iyo Maraykanka oo isugeyn tiradooddu kor u dhaafayso boqol diblumaasi. Taas beddelkeeda waxa uu Ruushku isaguna dhankiisa wacad ku maray in uu ka aarsandoono reer Galbeedka oo uu soo eryi doono tiro u dhiganta ta ay kasoo eryeen waddamadooda.


Si kasta oo ay ahaataba, xaaladdan soo cusboonaatay ee u dhexeysa Ruushka iyo dunida reer Galbeedka ayaa u eeg mid loo fasiran karo soonoqoshada dagaalkii qaboobaa ee dunida. Hase ahaatee waa arrin ay adkaandoonto in la qiyaaso halka ay ku dambeyn doonto iyo saameynta ay dunida ku yeelan doonto. 



W/Q: Mohamed Omar (Sammo)

Comments

  1. Waad ku mahad santahay sida fiican ee aad noogu iftii misay.

    ReplyDelete
  2. SOO DHAWAYN: DAAHII DHEXMARAY SHAQAALO SHARAF LEH IYO INTARNET KALSAN
    Bixinta amaahda ee udhaxeysa shaqsiyaadka soonka Degdega ah ee amaahda Degdegga ah si loo joojiyo welwelkaaga in kayar 72 saacadood. Waxaa lagaa mamnuucay bangigaaga dhammaan isku dayyadaada kuwa kale iyo hay'adaha kale ee maaliyadduna ilaa iyo hadda waxba ma aysan bixin sababtoo ah deyntaada xun ama kuwa kale walwal intaa ka badan ilama soo xiriiri karo oo wax ka yar 72 saacadood oo ah qiime macquul ah oo ah 2% sanadkii iyo waqtiga dib u bixinta ee kugu habboon adiga waxaan kaa dhigayaa amaah naftaada badbaadin doonta. Fadlan ila soo xiriir email ahaan: marialeydi06@gmail.com

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog