Khaarijintii Khaldantay. Qaybtii #6aad
Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sirdoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, si aan rasmi ahayn, waanan soo koob koobay.
Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu:
Jose Saramayo, qoraagii reer Burtiqiis ee ku guuleestay bilada Nobel Price Laureate, ayaa mar laga hayay in uu yidhi, ‘’sixirka wax qoristu waa awooda uu u leeyahay in uu dadka dilo, hadana dib nolosha ugu soo celiyo.’’ Saacadihii badnaa ee aan fadhiyey qasriga boqortooyada reer Jordan ee aan caafimaadka u rajeenayay ninkii aan saacado ka hor raga u diray in ay soo dilaan, waxa aan ka fekeray sida badanaa xaqiiqadu uga hor marto dhamaan waxyaabaha la qoro ee lagu raaxaysto.

Saacado kadib, safaarada gudaheeda [safaarada Israel] waxa aan kula kulmay hawl fuliyeyaashii la soo samata bixiyey. Jewigu wuxu ahaa mid madaw, waxaanan is arkay aniga oo dejinaaya jewiga. Mid mid ayaan u gacan qaaday [hawl fuliyeyaashii]. Way awoodi kari waayeen in ay indhaha igu eegaan, waxa aanay u muuqdeen kuwo gebi ahaan daalan. Waxa habboon in la fahmo in dadkani ay ahayeen hawl fuliyeyaashii ugu fiicnaa Mossad oo ku guul dareystay hawl galkoodii, isla markaana la dhibaataysan dareenka guuldarada. Waxay u muuqdeen kuwo la daalaa dhacaya dareen adag. Mid koodna markaad muu danayneen in uu awoodi waayo in uu ka baxo Jordan.
Keliya markaas ayuun bay ahayd markii war baahintu ay xaqiijisay warka sheegaya in Hussen [boqorka Jordan] ka hor istaagay hawl fuliyeyaasha in ay ka baxaan Jordan. [Hase ahaatee] marxaladan waxa ay aad uga murugeesnaayeen dareenkooda guuldarada iyo arimo la xidhiidha xadhigooda. Waxa aan u sheegay in marka wax kale oo dhan ba laga yimaado ay iga go’antahay aan iyaga iyo kuwa ay ciidamda Jordan hayaan ba ka saaro wadankan, geeyana dalkoodii [Israel] sida ugu dhakhsaha badan ee ugu suurta galsan. Markaas ayay ahayd markii aan maqlay arinta sidii ay dhankooda uga dhacday.
Sidii nalagu war geliyey, waxa ay ahayd in aan ka baxno Jordan maalinta xigta oo aan qaadano duulimaad cadiya. Mishka iyo gabadhii wehelineysay waxay iska joogeen qolkii hotelkooda. Halkaas ayayana kula kulmeen layaabkoodii sadexaad ee maalinta. Habeenimadii waxay shiteen telefishanka, waxayna geysteen mawjada warbaahinta Israel, gaar ahaan Channel one. La yaabkooda, iyaga oo ku sugan hotel ku yaala Jordan oo bilaa ilaalo ah oo aqoonsigooda la shaaciyey ayaa weriye Haim Yavin ka soo muuqday telefishanka, isla markaana u sheegay dunida oo dhan in koox Mossad hawl fuliyeyaasheeeda ahi isku dayeen in ay khaarajiyaan Khaled Mishal; isla markaana kuwo ka mid ah hawl fuliyeyaasha la qabtay oo ay gacanta ku hayaan Joorjeediniyiintu. Warkani wuxu ahaa mid xaalada sii xumeeyay. Maxaa yeelay xaasaska hawl fuliyeyaashu may ogeen halka ay ku suganyihiin [ragoodu]. In ay war noocaas ah ka maqlaan Telefishan-kana awood uma siinayso in ay ogadaan mida ninkeedii la xidhay iyo mida aan la xidhin.
Rafiiqii Mishka way diiday in ay raacdo duulimaad caadiya, iyada oo ka cabsi qabtay in ay ciidamada ilaalada xuduudka Jordan ay qabtaan, maadaama oo aqoonsigeeda la shaaciyey oo ciidanka sirdoonka Jordan ay ka war qabaan. Sidaas awgeed, waxa aan iyada iyo Mishka u sheegay in ay igula kulmaan safaarada oo aniga i raacaan [marka aan ku noqonayo Israel].
Dhamaadkii maalintaa sugista badan, boqor Hussein wuxu amray in Mishka iyo rafiiqiisuba [waa gabadh uu qoraagu magaceeda qariyey] igula noqdaan Isreal oo ay aniga i raacaan. Dhawr hawl fuliye ayaa joogay safaarada, halka kuwii ay Police ku hayeena loo soo gudbiyey taliska guud ee sirdoonka Jordan. Boqorku wuu iga diiday codsigaygii ahaa in hawl fuliyeyaasha ku hadhay safaaradu igula noqdaan Israel oo ay aniga isii raacaan.
Xili dambe oo habeenimo ah ayaan u kicitimay dhanka gegida diyaaradaha, waxa aanan galnay diyaaradii maanta gelinkii hore i keentay. Duuliimadku wuxu ahaa mid gaaban oo aamusan [dadka diyaarada wada saarani may wada hadleen]. Mid wal oo naag midi wuxu si hoose oo qoto dheer ula faqaayay maskaxdiisa. Waxa aan dareemay qalbi jab, maxaa yeelay baadhitaan kaygii hore ee aan la yeeshay hawl fuliyeyaashii ku sugnaa safaarada waxa aan ka bartay in waxkasta oo aan khaldami karaynini ay khaldameen.
Afartii subaxnimo ayaan ka degnay Israel. Isla markiiba waxa aan u kicitimay taliska guud ee Mossad oo ahaa mid aad u siraadan oo shaqo badani ka socotay, si iyadoo ay tahay maalin kala badhkeed. Waxa aan galay xafiiskaygii aniga oo uu igu ladhanyahay dareen adag oo ah in an dad [hawl fuliyeyaal] kaga imi ciida Jordan.
Hawl fuliyeyaashayadu waxa ay aadeen hawl gal sita magaca ururka aan hogaamiyo. Sidaas awgeed, waan ogaa in maalmaha soo socda aan gebi ahaanba dhex dabaalan doono hawsha ah sidii aan ugu soo celin lahaa wadanka [waa hawl fuliyeyaasha maqan e]. Koox aad u balaadhan oo uu hogaaminayo Raysal wasaaruhu ayaa igu sugayay xarunta, kuwaas oo rabay doodo dheeraada oo ku saabsan sidii arinta loo maamuli lahaa. Netanyahu wuxu u muuqday mid daalan oo werwersan inkasta oo dabeecadiisa aniga igu wajahneyd ay ahayd mid caadiya.

Waxa aan naftayda u sheegay in marxaladahan oo kale loo baahanyahay in qof is dejiyo oo uu heer hogaamineed yeesho, dejinta arimahana loo daayo mustaqbalka. Mossad gudaheeda waxa ka jiray dareen murugo leh. Daal xad dhaaf ah ayaa la dareemayay oo ay wehelinayaan murugo iyo niyad jab. Gaar ahaan arintani waxay aad uga muuqatay qaar ka mida saraakiishii goobta hawl galka, kuwaas oo, marka dhan laga eego, dareemay xanuun ba’an iyo walaac ku saabsan kuwii lagaga yimi Jordan, dhanka kalena, dareemay ka xumaansho iyo cadho ku saabsan dhaawaca ay sababeen qaran ahaan iyo guud ahaan kashifka caalamka.
Dhacdadani waxa ay dhaawacday qabkoodii, waxaana ka dhaadhici weyday sababta ay waxani u dheceen. Weliba iyada oo la adeegsaday dadkii ugu fiicnaa, kuwaas oo badanaa ku guuleystay dhamaystirka hawl-galadooda, weliba badankoodu ay yihiin hawl galo ka adag oo ka halis badan hawl galka Mashal; iyada oo keliya ay nasiib darooyin yar yari ay weligood ku dhacday hawl fuliyeyaashan. Sida nasiib daradii caanka ahay ee ka dhacday dalka Norwey ee Lillehammar, sanadkii 1970-kii.

Dhacdadaas hawl fuliyeyaashu waxay khaarajiyen miskiin bilaa dembi ah oo ahaa mudalab Morrocan ah oo lagu magacaabi jiray Ahmed Bouchiki, khalad xaga aqoonsiga ah awgeed. Ujeedada saxdii waxay ahayd i la dilo Ali Hasen Salameh oo ka tirssanaa ururka argagagixisada ee Black Septermber, kaas oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii weerarkii argagaxiso ee ka dhacay ciyaarihii Olympics ka ee Munich ee lagu dilay 11 ciyaaryahano Israa’iliyiin ah. Salameh mar dambe ayaa Beirut lagu dilay, hase ahaatee lixdii hawl fuliye ee Mossad ee hawlgalka Lillehammer keliya kumay guul dareysan hawlgalka ee waxa qabtay maamulka Norwey, waana la maxkamadeeyey oo la xidhay.
Qaybaha kale ee xarunta Mossad waxa ka socday eedaymo loo jeedinaayo hawl fuliyeyaasha, iyada oo ay garab socoto is weydiinta qadartooda. Berendaha/barxada waxa buux dhaafiyey dad ay ka mid yihiin hawl gabkii hore ee Mossad, kuwaas oo isugu yimi jaah wareerka taagan. Heer shakhsiyeed, anigu maan lahayn dhaleeceen hoose oo naftayda ka timaada ama qaakbka hawl galka iyo sidii loo qorsheeyey toona [maadaama oo aan bilowgii hawlgalkaba laygala tashan].
Intaas waxa ku dhamaatay sheekadii taxanaha ahayd ee aan kasoo minguuriyey buuga 'Labyrinth of Power' ee uu qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sirdoonka Yuhuuda ee Mossad. Soo minguurinta iyo tarjumaaduba maaha mid rasmiya, sidaas awgeed wixii labac labac leyn ah ee ka yimaada waa masuuliyad u noqoneysa qoraaga tarjumay sheekada.

Ku mahadsanid la socoshadaada. Wixii talo, tusaale ama su'aal ah ba halka hoose noogu dhaaf. Intii awoodayda ah waan isku dayi in aan ka fal-celiyo weydiimahaaga. Mahadsanid mar kale.

W/Q: Danny Yatom
W/T: Maxamed Cumar Dheere (Sammo)

Comments

  1. woow, sheekadii macaaneyd ma sidaasey ku dhamaatey? thanks brother, hibo dhanka qorista ah ayuu alle ku siiyey,

    ReplyDelete
  2. Mudnaan badan korkaaga ha ahaato walal. Haa sidaas ayay ku dhamaaqay. Sheekooyin kale oo taxane ah ayaan inoo bilaabi, haddii Eebbe ogolaado.

    ReplyDelete
  3. Mohamed Aadan, sheekadan aad ku dhowaad labo sano ama hal sano iyo badh ka hor turjuntay hadda ayaan akhristay. Wax badan ayaa laga baranayaa. Aniga oo sheekada dhexdeeda maraya ayaan ka yara fikiray, sirdoonka Somaliland sida ay u shaqeeyaan iyo goorta uu sirdoonkeennu gaadhi doono heerkii Mossad ee 1997. Waad mahadsan tahay, Sammo Omar.

    ReplyDelete
  4. SOO DHAWAYN: DAAHII DHEXMARAY SHAQAALO SHARAF LEH IYO INTARNET KALSAN
    Bixinta amaahda ee udhaxeysa shaqsiyaadka soonka Degdega ah ee amaahda Degdegga ah si loo joojiyo welwelkaaga in kayar 72 saacadood. Waxaa lagaa mamnuucay bangigaaga dhammaan isku dayyadaada kuwa kale iyo hay'adaha kale ee maaliyadduna ilaa iyo hadda waxba ma aysan bixin sababtoo ah deyntaada xun ama kuwa kale walwal intaa ka badan ilama soo xiriiri karo oo wax ka yar 72 saacadood oo ah qiime macquul ah oo ah 2% sanadkii iyo waqtiga dib u bixinta ee kugu habboon adiga waxaan kaa dhigayaa amaah naftaada badbaadin doonta. Fadlan ila soo xiriir email ahaan: marialeydi06@gmail.com

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog