Khaarijintii Khaldantahy. Qaybtii #2aad.
Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sidoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, waanan soo koob koobay.Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu:
Dhanka arinta siyaasada ee Mossad, dilka Mashal waxa looga arkaayay mid aan buuxin doonin hadafka laga leeyahay. Keliya waxa loo arkaayay mid sababi lahaa jaah wareer ku meel gaadh ah, mudo gaaban kadibna waxa lamagacaabi lahaa shakhsigii bedeli lahaa dhanka hogaaminta ururka Hamaz [dhanka arimaha siyaasada iyo maamulka laanta Jordan ee Hamaz].
Xubnaha ururka hamaz ee ugu sareeyey liiska aan u gudbiyay Raysal wasaare Netanyahu waxay ahaayeen xubno dhexe oo ku sugan wadamo kala duwan. Warbixinihii xubnahaas laga soo uruuriyay waxay muujinayeen in ay yihiin xubno shaqo maalmeedkoodu ay tahay qorista iyo maamulida xubno argagixiso, sidaas awgeed mid kasta oo iyaga ka mida oo la weeraraa waxay wiiqaysay hawlaha ururka ee wadamada ay joogaan.
Xubnaha reer Jordan waxay ahaayeen madaxda siyaasada ee ururka Hamaz ee isku dubaridka arimaha siyaasada, isla markaana maalgeliya hawlgalada argagaxiso. Waxay kaloo ahaayeen xubnaha amra cida fulineysa hawlgal argagaxiso [waa haddii la rabo in hawlgal la fuliyo e].Dareenka ka dhalan kara hawlgal laga fuliyo Jordan ciideeda yio darajada sare ee Mashal iyo dhigiisu, waxay sababeen in ay liiska ka galaan xaga ugu dambeysa.Sidaas awgeed, waxa aan Rayal Wasaare Netanyahu usoo jeediyey in hawlgalka ka dhanka ah uurka Hamaz laga fuliyo wadan kale.
Raysal wasaaruhu wuxu i siiyey laydhka cagaaran [ogolaansho] si aan u bilaabo diyaar garowga hawl galka aan soo jeediyey.Waxa la bilaabay cutubkii Mossad ee ku haboonaa fulinta hawsha in loo diro goobaha hawlgalku ka dhacayo si ay wararka sirta ah usoo uruuriyaan.
Si kastaba ha ahaatee, wakhti yar kadib fiidnimadii habeenka Jimcaha, waxa isoo gaadhay telefoon iiga yimi xoghayaha milatariga ee Raysal wasaaraha, Major General Ze'ev Livne, kaas oo igu wargeliyey in isbedel ku yimi hawlkaglkii.Aad baan ula yaabay arintaas, wax aanan weydiiyey sababta is bedel ugu iman karo hawlgalka iyada oo aan laygala tashan.
Livne waxa uu iigu jawaabay in kulan dhex maray madaxa hay'ada Shin Bet, Ami Ayalon, iyo wasiirka difaaca, Yetzhak Mordechai, lagu go'aan saday in mid ka mida madaxda ururka Hamaz ee ah mishiinada ururka ee daafaha dunida la badh tilmaameedsado - taas oo u badan in uu noqdo Mashal - laguna weeraro gudaha ciida wadanka Jordan.
Aad baan u tacajabay. Waan fahmi kari waayay sababta Mossad loo siiyey hawlgal aanan aniga oo ah madaxa Mossad ka qayb gelin go'aankiisa. Waxa aan isku deyey in aan la xidhiidho Raysal wasaaraha, laakiin lama heli karayn.
Waxa aan isku deyey in aan warar dheeraad ah helo. Waxa keliya ee aan ogaadayna waxay ahayd in madaxa hay'ada Shin Bet iyo Wasiirka Difaacaba loo sheegay oo laga war geliyey hawlgalka Mossad. Hase ahaatee, waxay u tegeen Raysal wasaraaha waxa aanay ku qanciyeen in hawlgalkii hore - waa hawl galkii aan anigu soo jeediyey ee lay ogolaaday in aan ku dhaqaaqo - in aanu muhiimad badan lahayn, isla markaana aanu u qalmin in lagu lumiyo awoodaha khaaska ah e Mossad. Labadooduba waxay soo jeediyeen in la weeraro madaxda Hamaz ee Jordan.
Markii anigu aan anigu Raysal wasaaraha la hadlay, ugu dambayn waxa aan u sheegay diidmadayda cad ee ku aadan go'aanka [go'aanka ah in madaxda Hamaz ee ku sugan Jordan la weeraro]. Waxa aan ku dooday in aan u baahanahay in aan hubsado suurta galnimada weerar ka dhaca ciida wadanka Jordan. Ugu dambayn, waxa ay noqotay in aan aqbalo in badhtilmaameedka hawlgalku noqdo in la weeraro Mashal ama mid ka mida xubnaha ugu sareeya Hamaz.
La soco qaybaha dambe...
W/Q: Danny Yatom.

W/T: Mohamed Adan (Sammo Omar)

Comments

Popular posts from this blog