Posts

Showing posts from March, 2018
Image
Muxuu salka ku hayaa dagaalka hoose ee u dhexeeya Ruush-ka iyo Ingiriis-ka? Alexander Litvinenko, basaaskii Ruushka ahaa ee ka tirsanaan jiray hay'ada KGB, waxa uu magan-gelyo-siyaasadeed ka helay dawladda Ingiriiska. Waxa uu degay magaalada London isaga iyo wiilkiisa iyo xaaskiisuba. Intii uu joogay waddanka Ingiriiska waxa uu qaatay dalashada waddanka Britian. Intii uu deggenaa Ingiriiska, Litvinenko waxa uu ahaa weriye madax bannaan, la taliye hay'ada sirdoonka Ingiriiska iyo qoraa. Waxa uu qoray dhowr buug oo uu kaga hadlayo hawlgallada qarsoodiga ah ee ay ku kacaan kooxda KGB iyo maamulka Putin. buugta uu qoray waxa ka mid ah:  Blowing Up Russia: The Secret Plot to Bring Back KGB Terror, Criminal Gang from Lubyanka iyo  Allegations  – Selected Works by Alexander Litvinenko. Buugtaas inta badan waxa uu si dadban iyo si toos ah ba ugu weerari jiray maamulka madaxweyne Putin. Alexander Litvenko keli kumuu ahayn baxsadka uu usoo baxsaday waddanka Ingiriiska. Waxa is
Image
Muxuu salka ku hayaa dagaalka hoose ee u dhexeeya Ruush-ka iyo Ingiriis-ka? Dhowaan waxa gudaha dalka Ingiriiska lagu suneeyey Sergie Skripal iyo inantiisa Yulia. Sergie wuxu ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray hay'adda KGB ee sirdoonka waddanka Ruushka. Sannadihii ugu dambeeyey Sergie wuxu ahaa basaas si hoose ula shaqeeya hay'adda MI6 ee sirdoonka arrimaha debeda u qaabilsan waddanka Ingiriiska. Sunneynta la suneeyey Sergie iyo inantiisa Yulia waxa ay qayb ka yihiin dagaal hoose oo xukuumadda Moscow ku badhtilmaameedsanayso maalqabeenno iyo saraakiil KGB ka tirsanaan jiray oo in muddo ah usoo haajiraayay dalka Ingiriiska.  Tallaabooyinkaas ugaadhsiga ah ee soo noqnoqonaya ee lagu badhtilmaameedsanayo muwaadiniinka haysta dhalashada waddanka Ingiriiska iyo kuwa deggenba awgood ayaa taariikhdu markay ahayd 14/03/18 Raysal Wasaaraha dalka Inigiriisku ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka eryayso 23 diblumaasi oo ka mid ah 58 dilbumaasi ee dalka Ruushka u jooga UK. Tallaabadan aya