Posts

Showing posts from October, 2016
Image
Adeerkay vs Adeerkaa: Maxaan xisbi ugu biiri waayay? Q iyaastii waxay ahayd muddo laga joogo 4 sano. Waxa aannu kasoo dareernay shir beeleed hoose oo u gaar ahaa jifadayada. Waxa shirka marti noogu ahaa masuul ka mid ah masuuliyiinta reerka oo warbixin na sii naayay iyo is xaal waraysi guud oo ku saabsan siyaasada Soomaaliland.   Arimaha laysla jeex jeexay waxa ka mid ahaa halkee halkan la joogo looga sii kacayaa, mar haddii ururkii reerku hadhay. Walow masuulka noo waramayay aanu isagu marnaba nagu cadaadineen meesha aanu taageeradayada geenayno, hadana wuxu noo hoga tusaaleeyey meesha uu isagu umaleynaayay in khayr ku ku jiro. Waa meesha isaga danta u ahayd! Durtaba waxa laga yaabaa in aad maskaxda ka dhex raadineyso cida reerkaasu/qabiilkaygu yahay? Ha iga degdegin anaa kuu balan qaadaya haddii, in uun, ayku  anfacayso ogaanshaha reerkaygu in aan kula wadaagee. Shirkii aan caadiga ahayn ee haldoorka reerkayagu kula arinsanayaanay masuulkaas wuxu soo geba gaboobay xili ku
Image
Khaarijintii Khaldantay. Qaybtii #6aad Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sirdoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, si aan rasmi ahayn, waanan soo koob koobay. Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu: Jose Saramayo, qoraagii reer Burtiqiis ee ku guuleestay bilada Nobel Price Laureate, ayaa mar laga hayay in uu yidhi, ‘’sixirka wax qoristu waa awooda uu u leeyahay in uu dadka dilo, hadana dib nolosha ugu soo celiyo.’’ Saacadihii badnaa ee aan fadhiyey qasriga boqortooyada reer Jordan ee aan caafimaadka u rajeenayay ninkii aan saacado ka hor raga u diray in ay soo dilaan, waxa aan ka fekeray sida badanaa xaqiiqadu uga hor marto dhamaan waxyaabaha la qoro ee lagu raaxaysto. Saacado kadib, safaarada gudaheeda [safaarada Israel] waxa aan kula kulmay hawl fuliyeyaashii la soo samata bixiyey. Jewigu wuxu ahaa mid madaw, waxaanan is arkay aniga oo dejinaaya jewiga. Mid mid ayaan u gacan
Image
Khaarajintii Khaldantay. Q.5aad Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sirdoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, si aan rasmi ahayn, waanan soo koob koobay. Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu: Xaaladu waxay ahayd mid gebi ahaanba qasan. Dhamaan shaqaalaha Mossad ee ku sugnaa Israel waxay sugayeen Raysal Wasaaruhu inta uu ka imanayo barxada taliska guud ee Mossad. Sallaamada, barandaha iyo meelaha dadku maraan oo dhan waxa buuxiyey dad [shaqaalaha Mossad] sugayay salaanta xuska ee Raysal Wasaaraha - iyada oo aan qofna ka war qabin riwaayada weyn ee ka socota daaha dabadiisa [hawl galka Jordan]. Aniga iyo Netanyahu ayaa istaagnay mid ka mida dariishadaha gudaha oo ahayd meel aannu u isticmaali jirnay in aanu dusha ka daawano dadka goobta jooga oo dhan. Walow culays ba’ani na haystay, haddana waxa aannu isku dayeenay in aannu muujino dareen dabaal deg oo aanu qof walba salaano iyada oo
Image
Khaarijintii Khaldantay . Qaybtii  #4aad Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sirdoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, si aan rasmi ahayn, waanan soo koob koobay. Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu: Hawl fuliyeyaashii Mossad kuwii ugu fiicnaa ayaa loo diray hawl galka, gaar ahaan hawl fuliyeyaal ay leedahay waaxda hawlgalada. Waxay ahaayeen [waa hawl fuliyeyaasha e] labeenta sirdoonka Israel. Hawl fuliyeyaal khibrad sare leh, intooda badanina waxay kasoo qayb qateen hawl galo aad u qasan oo aad u halis badan. Hawl fuliyeyaashani waxay lasoo shaqeeyeen cutubyada khaaska ah ee ciidamada difaaca Israel (IDF), kadibna waxay qaateen tababaro baaxad leh oo gaadhsiisan heerarka ugu sareeya ee Mossad ee daafaha dunida. Markii diyaar garowgii dhamaaday, kooxdii hawl fuliyeyaasha ahaa waxay u amba bexeen Jordan si ay u dhamays tiraan hawl galka. Subaxnimadii Septermber 25, 1997 oo ah
Image
Khaarijintii Khaldantay . Qaybtii  #3aad  . Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sidoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, si aan rasmi ahayn, waanan soo koob koobay. Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu: Waxa aan daneynayay qorshaha lagu saleeyey hawl galka Jordan. Waayo meelo badan ayaan waxka eegay. Waxa aan miisaamay muhiimada ay leedahay nabada naga dhaxaysa anaga iyo Jordan iyo weerarada argagixiso ee ururka Hamaz.Weeraradani durtaba waxa ay dhaawaceen qorshihii nabada ee naga dhexeeyey Jordan xiigii maamulkii Perez. Weeraradan ugu dambeeyeyna waxa ay dhaawici karaan heshiiskii nabada ee Jordan. Sida wararka sirdoonku sheegayaan dhamaan weerarada waxa laga soo abaabulay xarumaha Hamaz ee Amman [caasimada Jordan]. Codsiyadii is daba jooga ahaa ee aannu boqorka Jordan kaga codsanay in uu waxka qabto weerarada Hamaz ee laga soo qorsheenayo Jordan, waxa ay noqdeen kuwo aan midho
Image
Khaarijintii Khaldantahy . Qaybtii  #2aad . Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sidoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, waanan soo koob koobay.Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu: Dhanka arinta siyaasada ee Mossad, dilka Mashal waxa looga arkaayay mid aan buuxin doonin hadafka laga leeyahay. Keliya waxa loo arkaayay mid sababi lahaa jaah wareer ku meel gaadh ah, mudo gaaban kadibna waxa lamagacaabi lahaa shakhsigii bedeli lahaa dhanka hogaaminta ururka Hamaz [dhanka arimaha siyaasada iyo maamulka laanta Jordan ee Hamaz]. Xubnaha ururka hamaz ee ugu sareeyey liiska aan u gudbiyay Raysal wasaare Netanyahu waxay ahaayeen xubno dhexe oo ku sugan wadamo kala duwan. Warbixinihii xubnahaas laga soo uruuriyay waxay muujinayeen in ay yihiin xubno shaqo maalmeedkoodu ay tahay qorista iyo maamulida xubno argagixiso, sidaas awgeed mid kasta oo iyaga ka mida oo la weeraraa waxay wiiqaysay hawlaha