Posts

Image
Muxuu salka ku hayaa dagaalka hoose ee u dhexeeya Ruush-ka iyo Ingiriis-ka? Alexander Litvinenko, basaaskii Ruushka ahaa ee ka tirsanaan jiray hay'ada KGB, waxa uu magan-gelyo-siyaasadeed ka helay dawladda Ingiriiska. Waxa uu degay magaalada London isaga iyo wiilkiisa iyo xaaskiisuba. Intii uu joogay waddanka Ingiriiska waxa uu qaatay dalashada waddanka Britian. Intii uu deggenaa Ingiriiska, Litvinenko waxa uu ahaa weriye madax bannaan, la taliye hay'ada sirdoonka Ingiriiska iyo qoraa. Waxa uu qoray dhowr buug oo uu kaga hadlayo hawlgallada qarsoodiga ah ee ay ku kacaan kooxda KGB iyo maamulka Putin. buugta uu qoray waxa ka mid ah:  Blowing Up Russia: The Secret Plot to Bring Back KGB Terror, Criminal Gang from Lubyanka iyo  Allegations  – Selected Works by Alexander Litvinenko. Buugtaas inta badan waxa uu si dadban iyo si toos ah ba ugu weerari jiray maamulka madaxweyne Putin. Alexander Litvenko keli kumuu ahayn baxsadka uu usoo baxsaday waddanka Ingiriiska. Waxa is
Image
Muxuu salka ku hayaa dagaalka hoose ee u dhexeeya Ruush-ka iyo Ingiriis-ka? Dhowaan waxa gudaha dalka Ingiriiska lagu suneeyey Sergie Skripal iyo inantiisa Yulia. Sergie wuxu ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray hay'adda KGB ee sirdoonka waddanka Ruushka. Sannadihii ugu dambeeyey Sergie wuxu ahaa basaas si hoose ula shaqeeya hay'adda MI6 ee sirdoonka arrimaha debeda u qaabilsan waddanka Ingiriiska. Sunneynta la suneeyey Sergie iyo inantiisa Yulia waxa ay qayb ka yihiin dagaal hoose oo xukuumadda Moscow ku badhtilmaameedsanayso maalqabeenno iyo saraakiil KGB ka tirsanaan jiray oo in muddo ah usoo haajiraayay dalka Ingiriiska.  Tallaabooyinkaas ugaadhsiga ah ee soo noqnoqonaya ee lagu badhtilmaameedsanayo muwaadiniinka haysta dhalashada waddanka Ingiriiska iyo kuwa deggenba awgood ayaa taariikhdu markay ahayd 14/03/18 Raysal Wasaaraha dalka Inigiriisku ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka eryayso 23 diblumaasi oo ka mid ah 58 dilbumaasi ee dalka Ruushka u jooga UK. Tallaabadan aya
Image
Adeerkay vs Adeerkaa: Maxaan xisbi ugu biiri waayay? Q iyaastii waxay ahayd muddo laga joogo 4 sano. Waxa aannu kasoo dareernay shir beeleed hoose oo u gaar ahaa jifadayada. Waxa shirka marti noogu ahaa masuul ka mid ah masuuliyiinta reerka oo warbixin na sii naayay iyo is xaal waraysi guud oo ku saabsan siyaasada Soomaaliland.   Arimaha laysla jeex jeexay waxa ka mid ahaa halkee halkan la joogo looga sii kacayaa, mar haddii ururkii reerku hadhay. Walow masuulka noo waramayay aanu isagu marnaba nagu cadaadineen meesha aanu taageeradayada geenayno, hadana wuxu noo hoga tusaaleeyey meesha uu isagu umaleynaayay in khayr ku ku jiro. Waa meesha isaga danta u ahayd! Durtaba waxa laga yaabaa in aad maskaxda ka dhex raadineyso cida reerkaasu/qabiilkaygu yahay? Ha iga degdegin anaa kuu balan qaadaya haddii, in uun, ayku  anfacayso ogaanshaha reerkaygu in aan kula wadaagee. Shirkii aan caadiga ahayn ee haldoorka reerkayagu kula arinsanayaanay masuulkaas wuxu soo geba gaboobay xili ku
Image
Khaarijintii Khaldantay. Qaybtii #6aad Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sirdoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, si aan rasmi ahayn, waanan soo koob koobay. Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu: Jose Saramayo, qoraagii reer Burtiqiis ee ku guuleestay bilada Nobel Price Laureate, ayaa mar laga hayay in uu yidhi, ‘’sixirka wax qoristu waa awooda uu u leeyahay in uu dadka dilo, hadana dib nolosha ugu soo celiyo.’’ Saacadihii badnaa ee aan fadhiyey qasriga boqortooyada reer Jordan ee aan caafimaadka u rajeenayay ninkii aan saacado ka hor raga u diray in ay soo dilaan, waxa aan ka fekeray sida badanaa xaqiiqadu uga hor marto dhamaan waxyaabaha la qoro ee lagu raaxaysto. Saacado kadib, safaarada gudaheeda [safaarada Israel] waxa aan kula kulmay hawl fuliyeyaashii la soo samata bixiyey. Jewigu wuxu ahaa mid madaw, waxaanan is arkay aniga oo dejinaaya jewiga. Mid mid ayaan u gacan
Image
Khaarajintii Khaldantay. Q.5aad Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sirdoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, si aan rasmi ahayn, waanan soo koob koobay. Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu: Xaaladu waxay ahayd mid gebi ahaanba qasan. Dhamaan shaqaalaha Mossad ee ku sugnaa Israel waxay sugayeen Raysal Wasaaruhu inta uu ka imanayo barxada taliska guud ee Mossad. Sallaamada, barandaha iyo meelaha dadku maraan oo dhan waxa buuxiyey dad [shaqaalaha Mossad] sugayay salaanta xuska ee Raysal Wasaaraha - iyada oo aan qofna ka war qabin riwaayada weyn ee ka socota daaha dabadiisa [hawl galka Jordan]. Aniga iyo Netanyahu ayaa istaagnay mid ka mida dariishadaha gudaha oo ahayd meel aannu u isticmaali jirnay in aanu dusha ka daawano dadka goobta jooga oo dhan. Walow culays ba’ani na haystay, haddana waxa aannu isku dayeenay in aannu muujino dareen dabaal deg oo aanu qof walba salaano iyada oo
Image
Khaarijintii Khaldantay . Qaybtii  #4aad Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sirdoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, si aan rasmi ahayn, waanan soo koob koobay. Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu: Hawl fuliyeyaashii Mossad kuwii ugu fiicnaa ayaa loo diray hawl galka, gaar ahaan hawl fuliyeyaal ay leedahay waaxda hawlgalada. Waxay ahaayeen [waa hawl fuliyeyaasha e] labeenta sirdoonka Israel. Hawl fuliyeyaal khibrad sare leh, intooda badanina waxay kasoo qayb qateen hawl galo aad u qasan oo aad u halis badan. Hawl fuliyeyaashani waxay lasoo shaqeeyeen cutubyada khaaska ah ee ciidamada difaaca Israel (IDF), kadibna waxay qaateen tababaro baaxad leh oo gaadhsiisan heerarka ugu sareeya ee Mossad ee daafaha dunida. Markii diyaar garowgii dhamaaday, kooxdii hawl fuliyeyaasha ahaa waxay u amba bexeen Jordan si ay u dhamays tiraan hawl galka. Subaxnimadii Septermber 25, 1997 oo ah