Posts

Showing posts from 2015
Image
Jeremy Corbyn, gantaal kusoo dhex dhacay siyaasada UK. Shan daqiiqo marka ay ka hadhsanayd wakhtiga loo qabtay in xubnaha isu sharaxaya hogaaminta xisbiga shaqaalaha ee Labour party-ga ee UK, Jeremy Corybn waxa uu haystay aqlabiyada 30 xildhibaan, halka laga rabay 35 haddii uu rabo in uu ka qayb galo tartanka hogaanka xisbiga.  Laba daqiiqo marka ay ka hadhsnaayd wakhtiga xidhista liiska musharixiinta, ayaa 5 xildhibaan si mutadawcnimo leh ugu codeeyeen Jeremy - sidaasna uu uga mid noqday afarta musharax ee ku loolami doonta hogaanka xisbiga Labour-ka.  Mar la weydiiyey xildhibinaadaas sababta ay kuso doorteena waxay ku jawaabeen, in ay keliya rabaan in doodu balaadhato. Ujeedkoodu, sida ay sheegeen, muu ahayn in Jeremy loo doorto hogaamiyaha Xisbiga, balse keliya in ay odayga bidixda fog kaftanakiisa dhegeestaan. Si kastay ahaataba, ninkii la dhalaysanayay wuxu mudo yar gudahood ku kasbaday in 16,000 oo qof, oo dhalinyaro u badani, ugu kacaan si mutadawacnimo ah. 50,000 oo qo