Jeremy Corbyn, gantaal kusoo dhex dhacay siyaasada UK.

Shan daqiiqo marka ay ka hadhsanayd wakhtiga loo qabtay in xubnaha isu sharaxaya hogaaminta xisbiga shaqaalaha ee Labour party-ga ee UK, Jeremy Corybn waxa uu haystay aqlabiyada 30 xildhibaan, halka laga rabay 35 haddii uu rabo in uu ka qayb galo tartanka hogaanka xisbiga.

 Laba daqiiqo marka ay ka hadhsnaayd wakhtiga xidhista liiska musharixiinta, ayaa 5 xildhibaan si mutadawcnimo leh ugu codeeyeen Jeremy - sidaasna uu uga mid noqday afarta musharax ee ku loolami doonta hogaanka xisbiga Labour-ka.  Mar la weydiiyey xildhibinaadaas sababta ay kuso doorteena waxay ku jawaabeen, in ay keliya rabaan in doodu balaadhato. Ujeedkoodu, sida ay sheegeen, muu ahayn in Jeremy loo doorto hogaamiyaha Xisbiga, balse keliya in ay odayga bidixda fog kaftanakiisa dhegeestaan.




Si kastay ahaataba, ninkii la dhalaysanayay wuxu mudo yar gudahood ku kasbaday in 16,000 oo qof, oo dhalinyaro u badani, ugu kacaan si mutadawacnimo ah. 50,000 oo qof kasoo qayb galaan in ka badan 99 isu soo bax oo loo sameeyey, iyo in 900 oo qof ay lacag ugu deeqeen doorashadiisa. Taasu waxay dhalisay in taariikhda markii ugu horeesay guushii ugu weyneed ee xisbi UK ka dhisan hogaankiisa lagu doorto. Sidaas na uu maanta Jeremy Corbyn ku noqday hogaamiyaha shanta sano ee soo socota hogaamin doona xisbiga Labour-ka.

Haddaba, waa kuma Jeremy Corybn?

Siyaasigan mayalka adag oo aan in dhoweedba si hoose ula socday dhaqdhaqaaiisa ololaha, ayaa waxa aan ka bartay waxyaabo aad u cajiib badan. Wuxu baarlamaanka UK ka tirsanaa ilaa 1983-kii, doorashadii ugu dambaysayna waxa lagu doortay codkii ugu badaa ee xildhibaan lagu doorto. In ka badan 500 oo jeer wuxu 'Maya' ugu codeeyey qorshayaal xisbigiisu baarlamaanka soo hor dhigay.

Weligii kamuu mid noqon golaha 'shadow cabinet-ka' ee xibsigiisa. Wuxu saaxiib dhow la ahaa Madaxweynihii Venezuala ee Hugo Chaves, Moes kii China iyo, ururada Hamaas iyo Xisbullah. Waa 'Socialist' aan la gaban wuxu aaminsanyay. Wuxu hogaamiye ka ahaa Isbahaygii kasoo horjeeday in la weeraro Ciraaq (Stop the War Coalition). Sadex wiig ka horna wuxu ka dhawaajiyey in haddii la doorto uu Shacabka reer Britain ka raali gelin doono weerarkii xibsigiisu ku qaaday Ciraaq, haddii dembi lagu helana la maxkamadeeyo Tony Blair.

Jeremy wuxu kaloo uu u ololeeyaa in UK iskaga baxdo Nato, isagoo ku andacooda in aanay wax faa'ido ah ugu jirin dalka; oo, waa sida uu qabo e, haddii UK ay nabada caalamka ka shaqayso aanay jirin sabab ay u baqato oo Nato dabada u geliso. Wuxu kaloo xubin ka yahay ururka baabiinta hubka Nuclear-ka ( Campaign for Nuclear Disarmament), ururka u dooda qadiyada Falasdiin ( Palestinian Solidarity Campaign),. Wuxuna ku doodaa in Britain gebi ahaanba iska baabiiso hubka wax gumaaada ee Nuclear-ka.

Haddaba, ninka sifooyinkaas leh, sidee ugu suurta gashay in uu hoggaanka u qabto Xisbiga Mucaaradka ugu weyn wakhtigan UK ee Labour-ka?

Sida ay aaminsanyihiin badi dadka siyaasada ka faallooda, gaar ahaan Simon Kelner, oo ah suxufi ruug cadaaya oo Jariirada Independent ka tirsani, sababta Jeremy Corybn uu ku kasbaday taageerada intaa leeg ayaa ah in uu yahay shakhsi ku dhegan wuxu aaminsanyay, sax iyo khalad midii loo arkaba. Waa shakhsi aan marnaba is bedelin. Waana shakhsi jecel nabada dunida iyo in bini aadamtiimada la ilaaliyo. Waana midaas mida sababtay in jiil dhan oo ka maqnaa saaxada siyaasada UK ay mar keliya iska war helaan iyaga oo safaf ugu jira dhegaysiga khudbadaha Jeremy Corybn, hogaamiyaha cusub ee Xisbiga Labour-ka UK.

Si kastoo ay ahaataba, dadka dhaliila siyaasadiisa waxay ku andacoodaa in uu yahay nin aan doorashada 2020 aan guul usoo hoyn karin xisbiga. Sidaas awgeedna, inta goori goor tahay layska qabto. Hase ahaatee shakigaas waxa jawaab u noqotay guusha maanta ee bilowgeedii ahayd riyo maalmeed.


Comments

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  2. Aad baad ugu mahadsantahay sxb Sammo Si fcn ee aad warbixinta nogu soo koobtay

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog