Khaarajintii Khaldantay. Q.5aad
Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sirdoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, si aan rasmi ahayn, waanan soo koob koobay.

Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu:

Xaaladu waxay ahayd mid gebi ahaanba qasan. Dhamaan shaqaalaha Mossad ee ku sugnaa Israel waxay sugayeen Raysal Wasaaruhu inta uu ka imanayo barxada taliska guud ee Mossad. Sallaamada, barandaha iyo meelaha dadku maraan oo dhan waxa buuxiyey dad [shaqaalaha Mossad] sugayay salaanta xuska ee Raysal Wasaaraha - iyada oo aan qofna ka war qabin riwaayada weyn ee ka socota daaha dabadiisa [hawl galka Jordan].
Aniga iyo Netanyahu ayaa istaagnay mid ka mida dariishadaha gudaha oo ahayd meel aannu u isticmaali jirnay in aanu dusha ka daawano dadka goobta jooga oo dhan. Walow culays ba’ani na haystay, haddana waxa aannu isku dayeenay in aannu muujino dareen dabaal deg oo aanu qof walba salaano iyada oo maskaxdayaduna jirtay meel aad u fog oo ay is weydiinaysay dhamaan falcelimaha suurta galka ah ee ka iman kara boqorka [Boqor Hussein ka Jordan].
Cabsidayda ugu weyni waxay ahayd in baadhitaan ka saldhiga dhexdiisa ee lagu baadhayo hawl fuliyeyaasha Mossad [labadii jaajuus askarigu qabtay] lagu ogaado aqoonsigooda [cida ay yihiin iyo cida soo dirtay]. Sababtaas awgeed waxa aan Netanyahu usoo jeediyey in aannu gebi ahaanba runta u sheegno boqorka, si aannu uga baaqsano dhibaato aan loo baahneyn oo ka dhalata warar is khilaafsan oo la bixiyo mudada baadhitaanka Police-ku socoto. Netanyahu wuu igu raacay soo jeedintaydii.
Wakhtigaas maan daneyneen xidhiidh ka Jordan ama boqorka, waxa keliya ee aan daneynayay waxay ahayd sidii aan usoo samato bixin lahaa dadkayga oo aan iyaga oo nabad ah ugu soo celin lahaa Israel, sida ugu dhakhsaha badan ee ugu suurta galsan. Xidhiidhka Jordan, ayaan ku idhi naftayda, hadhowto ayaa la hagaajin. Waan ogaa in ay khasabtahay in aan madaxa saarto hawl galkaas aan wanaagsaneyn oo aan u sheego boqorka wixii dhacay. Masuuliyada fulinta hawlgalku waxay ahayd tayda, sidaas oo kale xalinta khaladkeeduna waa tayda.
Netanyahu ayaa xafiiskayga ka wacay boqor Hussein, wuxuuna u sheegay in aniga laysoo dirayo si aan kulan muhiima ula yeesho. Boqorku si degdega ayuu u aqbalay, xitaa isaga oo aan garaneyn waxa arintani daarantahay. Markii aan sii baxayay ayuu Netanyahu igu yidhi, ‘’u bandhig boqorka muhiimada ay leedahay in Mashal naftiisa la badbaadiyo.’’
Wakhti yar kadib waxa aan cago dhigtay Jordan aniga oo saaran diyaarad khaasa; waxaana lay qaaday dhanka qasriga boqorka. Sidii caadada ahayd, si aad u diiran ayuu ii bariidiyey boqor Hussein. Dhigayga [madaxa sirdoonka Jordan], Samih Batihi, iyo General Ali Shukri, madaxa xafiiska boqorka ayaa iyaguna goob joog ahaa. ‘’Sharafle boqor, ku mahadsanid qaabilaadaada,’’ ayaan idhi. Waxa aan degdeg usii raaciyey, ‘’waxa aan kuugu imi arin degdega.’’
Waxa aan u sheegay boqorka iyo kuwii goob jooga ahaaba in saacado ka hor aan isku daynay in aannu khaarajino Mashal, Cammaan [caasimada Jordan] gudaheeda. Waxa aan u sheegay in mudadii hawlgalka la qabtay hawl fuliyeyaal Mossad leedahay, oo ay gacanta ku hayaan ciidamada jordan, iyo in kuwo kale oo badani ku suganyihiin safaarada. Waxan idhi shirkan waxa aann u imi isku day ah in arimaha si degen loo dhameeyo. Waxaan sii raaciyay in hawlgalku daba socday weeraro argagixiso oo ay fulisay Hamaz, isla markaana aanay Israel u dan lahayn in ay waxyeelayso danaha Jordan. Waxa aan u fidiyey in aan isku deyayo in aan badbaadiyo nolosha Mashal.
‘’Waan kuu sheegay wax walba’’, ayaan ku idhi boqorka. ‘’Waxa aan adiga kaa qarinayaa ma jirto. Qof waliba wuxu isku deyayaa in uu dhibaatadan xaliyo, sida ugu degen ee ugu dhakhsaha badan ee ugu suuurto galsan. Waan kaa raali gelinayaa waxa dhacay, laakiin sidii aan sheegay, ujeedadu maaha in waxyeelo loo geysto adiga ama dadka reer Jordan, balse in la wax yeeleeyo argagixisada u dhaqmaysa sida anaga naga soo horjeeda. Kuma laaban karo Israel dadkayga la’aantood, waxa aan ku weydiisanayaa in aad ii ogolaato in ay dhamaantood ila noqdaan.’’ Aamusnaan ayaa ku habsatay qolkii. boqorkii wuxu muujiyey muuqaal aan qurux badneyn. Si qoto dheer ayuu u neefsaday, kadibna si degdega ayuu ugu jeestay ragiisii, wuxuuna u sheegay in lasoo ogaado xaalada Mashal ku suganyahay.
Mudo yar kadib waxa lasoo wariyey in Mashal xanuunsaday oo loo qaaday dhakhtarka. Boqorku wuxu amray in si degdega loogu gudbiyo dhakhtarka boqortooyada, wuxuuna aqbalay soo jeedintaydii ahayd in la siiyo wixii [dawadii] ay ku badbaadin lahaayeen nolosha Mashal. Wuu ii mahad celiyey si diirana ii maca salaameeyey, isaga oo ii sheegay, ‘’hawsha inta dhiman waxa aad kala dhamaysan doontaan ragayga.’’ Wuuna ka baxay qolkii.
Mudo kadib, Israel gudaheeda waxa dadkaygu igu dhaliileen in aan boqorka u bandhigay sawirka oo buuxa. Si kastaba, aniga way ii cadayd in aan boqorka u sheego wax kasta, runta oo keliyina ay dadkayga kusoo celin lahayd si nabada, ayna ka hor tegi lahayd in xidhiidhka Israel iyo jordan uu xumaado. Waxan aaminsanaa in sida keliya ee kalsoonida boqorka dib loogu heli karayay ay ahayd in uu dareemo in aan waxba laga qarin. Waa in la xusaa in habkan uu ogyahay, isla markaana uu amray Netanyahu.
Waxa aan qasriga la joogay Ali Shukri. Waxa aannu sugnay wararka xaalada Mashal. Way ii cadayd aniga in xaalada uu ku dambeyn doono Mashal ay go’aamin doonto sida hawshu usii socoto; dhimashadiisu waxay uga sii dareysay xaalada, soo kabsashadiisuna waxay soo celinaysay suurta galnimada in xaaladu caadi kusoo noqoto. Sidaa awgeed, waxa aan is arkay aniga oo hal qof u duceynaya laba jeer hal maalin gudaheed; mar waxa aan ugu duceenayay dhimasho, marna nolol.
Adiga oo mahadsan, la soco qayb ta qaybtan xigta. Mahadsanid.
W/Q: Danny Yatom.
W/T: Mohamed Adan ( Sammo Omar)

Comments

Popular posts from this blog