Khaarijintii khaldantay. Q.1aad
Waa dhacdo dhab ah oo uu buugiisa 'Labyrinth of Power' ku qoray Danny Yatom, madaxii hore ee hay'ada sidoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mossad. Waan soo turjumay, waanan soo koob koobay.
Sidan ayuu ku bilaabay qoraagu:
Bilo ka hor intii aanan kasoo laaban fasax aan aniga iyo reerkaygu ku tagnay wadanka Jordan, July 30, 1997, ayaa la bilaabay qorshe ah in la khaarajiyo [Khaled] Mashal, oo markaas ahaa madaxii laanta ururka Hamaz ee dalka Jordan; welibana lagu khaarajiyo wadanka Jordan gudihiisa oo saldhig weyn ay ku lahayeen uruka Hamaz.

Mudadii aan fasaxa ku qaadaneennay Jordan aniga iyo xaaskayga Tova iyo sadexdayada wiil, boqor Hussein ka Jordan ayaa nagu casuumay in aanu safar ku dhex mushaaxno Jordan. Diyaarad Helicopter ah oo ay iska leeyihiin qoyska reer boqor ayaa nagu sugaysay Aqaba, kadibna noo qaaday xagaa iyo Petra - waa isla Jordan gudaheeda e - si aanu ugu dalxiisno wadanka. Intaa kadib waxa hadana nalagu qaaday markab ka mida kuwa raaxada ee reer boqor taasoo nagu soo wareejisay xeebaha Jordan. Ugu dambayn maalintayadii dalxiiska ahayd waxa aanu kusoo gebo gabeenay casho naloogu sameeyey qasriga reer boqor. Boqor Hussien maalintaas muu joogin, balse koox ka mida shaqaalihiisa ayuu u xil saaray in ay na qaabilaan oo noo suurta geliyaan maalintaas qiimaha badan. Si aad u wanaagsan ayaan aniga iyo reerkayguba u raaxeesanay.
Soo laabashadayadii, anaga oo ku sugan airport ka Eilat [waa Israel gudaheeda e] waxa isoo gaadhay war bixin ah in weerar argagaxiso ka dhacay suuqa Mahane Yehuda ee Jerusalem. Xaaskaygii iyo caruurtaydii waxay degdeg ugu laabteen gurigii, aniguna waxan toos u aaday xarunta taliska ee Mossad.
Isla fiidnimadaas waxa aan ka qayb qaaatay war bixin kooban oo Raysal Wasaare Netanyahu lagu dhex siinayay xafiiskiisa gudihiisa. Dadkii xafiiska joogay [ee warbixinta bixinaayay] waxa ka mid ahaa wasiirka difaaca, Yitzhak Mordechai, madaxa shaqaalaha ee wasaarada difaaca, Lipkin-Shahak iyo madaxa hay'ada Shin Bet Ami Ayalon [hay'ada amniga ee Israel]. Isla wakhtigaas aanu warbixinta bixineennay, ururka Hamaz ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadii dhacay oo 16 qof ku dhinteen dad 200 gaadhayaana ku dhaawacmeen. Intaa kadib waxa uu Raysal wasaaruhu nagu amray in aanu soo diyaarino oo u keeno xarumaha Hamaz ee la weerari karo.
Dhawr usbuuc kadib, 4-tii September, Hamaz waxay weerar kale ka fulisay Jerusalem. Weerarka waxa ku dhintay 4 qof, waxaana ku dhaawacmay 200 oo qof. Labadaas qarax awgood, xaaladu cirka ayay isku shareertay, gaar ahaan dhanka Raysal wasaaraha iyo gudidada difaaca. Waxa sii batay rabitaanka ah in si deg deg ah loo helo xarumaha Hamaz si loo weeraro.
IDF [wasaarada gaashaandhiga Israel] iyo Shin Bet [hay'ada amniga ee Israel] midkoodna ma keenin goobo cayiman oo la weeraro - waxayna ku andacoodeen in aanay jirin goobo qiimo leh oo Hamaz leedahay oo la weeraro.
Aniga keligay ayaa Raysal Wasaaraha ula imi liis ay ku qoranyihiin xarumo la badhtilmaameedsan karo oo Hamaz ku leedahay wadamo kala duwan. Waxa aan soo bandhigay doorkii aan ka ciyaari lahaa hawlgalada iyo qorshayaasha siyaasadeedba.
Qorshayaasha hawlgalada ee aan soo bandhigay wuxu ahaa in argagaxisada lala dagaalamo iyo in sidoo kale laga hor tago in wadamada cadaawada u haya Israel ay helaan hubka halista ah.
Waxa aan soo jeediyay hawlgalo halis badan oo mar marna khaldami kara. Hawl galo keenii kara faa'ido iyo qasaare labadaba. Waxa aan iska diiday in aan si bilaa macniya isaga fadhiyo ama aan ku doodo in aanay jirin meelo munaasib ah oo la weeraro.
Dhanka doorkayga siyaasadeed wuxu ahaa in aan kormeero hawlgalada isla markaana qiimeeyo cawaaqibka ka dhalan kara hawl gal kasta oo milatari ka hor inta aan la fulin.
Liiska aan soo bandhigay ee ah in la badhtilmaameedsado wuxu u qaabaysnaa ama u kala horeeyay doorka uu shakhsiga la weerarayayaa ka ciyaaro ururka gudihiisa, muhiimada ay leedahay ka takhaluskiisu, dhibka lagala kulmi karo gaadhitaankiisa iyo waxa ka dhalan kara khaarijintiisa.
Liiska aan soo bandhigay wuxu ka koobnaa sideed magac. Keliya magacyada ugu dambeeya ayaa ku sugnaa wadanka Jordan. [Khaled] Mashal wuxu liiska kaga jiray kaalinta shanaad. Waxa kusii xigay Mousa Abu Marzouk, oo hada ka hor hayay xilka uu hada hayo Mashal.
Weerarada aan qorsheeyay in laga dhex fuliyo wadanka Jordan gudihiisa waxa ay liiska kaga jireen xaga ugu danbaysa. Sababtu waxa ay ahayd heshiiska nabadeed ee aanu la galnay Jordan, sidaa awgeed wax loo arkaayay hawl galada laga fulinayo Jordan kuwo siyaasad ahaan iyo milatari ahaan ba aad u halis badan.

Adiga oo mahadsan, la soco qayb ta qaybtan xigta.
W/Q: Danny Yatom
W/T: Maxamed Cumar Dheere (Sammo)

Comments

Popular posts from this blog