
Adeerkay vs Adeerkaa: Maxaan xisbi ugu biiri waayay? Q iyaastii waxay ahayd muddo laga joogo 4 sano. Waxa aannu kasoo dareernay shir beeleed hoose oo u gaar ahaa jifadayada. Waxa shirka marti noogu ahaa masuul ka mid ah masuuliyiinta reerka oo warbixin na sii naayay iyo is xaal waraysi guud oo ku saabsan siyaasada Soomaaliland. Arimaha laysla jeex jeexay waxa ka mid ahaa halkee halkan la joogo looga sii kacayaa, mar haddii ururkii reerku hadhay. Walow masuulka noo waramayay aanu isagu marnaba nagu cadaadineen meesha aanu taageeradayada geenayno, hadana wuxu noo hoga tusaaleeyey meesha uu isagu umaleynaayay in khayr ku ku jiro. Waa meesha isaga danta u ahayd! Durtaba waxa laga yaabaa in aad maskaxda ka dhex raadineyso cida reerkaasu/qabiilkaygu yahay? Ha iga degdegin anaa kuu balan qaadaya haddii, in uun, ayku anfacayso ogaanshaha reerkaygu in aan kula wadaagee. Shirkii aan caadiga ahayn ee haldoorka reerkayagu kula arinsanayaanay masuulkaas wuxu soo geba gaboobay...